Askari Ka Tirsan Ciidanka Dowladda Oo Goordhow Lagu Dilay magaalada Muqdisho iyo Kooxahii dilka gaystay oo..

Muqdisho-(Caasimadda Online)-wararka ka imaanaya magaaladda muqdisho ayaa sheegaya in maanta lagu dilay askari katirsan ciimadama soomaaliye.

Kooxo hubeysan oo watay Bustoolado ayaa Goordhow waxa ay dil ka geysteen meel aan ka fogeyn Isgoyska Sanco ee Magaalada Muqdisho.

Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda ayaa la sheegay in halkaasi lagu dilay,iyada oo dadkii ka dambeeyay dilkaas ay goobta ka baxsadeen.

dad kusugnaa halka uu falka kadhacay ayaa sheegay in mar uun ay ka warheleen rasaas kadibna ay arkeen Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda oo Goobta yaalla.

Ciidamo ka tirsan Dowladda ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay kuwaas oo haatan halkaasi howlgallo ka wada wallow aysan jirin cid ilaa iyo iyo hadda ay u qabteen dilkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com