Shir muhiim u ah soomaaliya iyo wadamada IGAD oo ka socda Muqdisho (Sawirro)

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shir u dhaxeeya Waddamada xubnaha ka ah urur Goboleedka IGAD ee dhaca Bariga Afrika.

Shirkaan oo ka socda xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho, ayaa ahmiyadiisa waxa ay tahay shirka la tashiga wadamada IGAD ee la xiriira sidii si furan la isaga gudbi lahaa xuduudaha dalalka IGAD fiisa la’aan.

Shirkaan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa lagu qabto Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu yahay mid ahmiyad wayn u leh Somaliya, haddii la isla garto wadamada IGAD ku bahoobay muwaadiniintooda Viisa la’aan inay isaga gudbaan.

shirkaan ayaa waxaa looga hadlay hanaanka ugu haboon ee dalalka ku bahoobay IGAD, muwaadiniintooda Bilaa Viiso ay isaga gudbi lahaayeen dalalkaasi.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda dhexe oo ku sugan madasha shirka ayaa dhankooda ka dhiibanaya aragtiyada ku haboon Shirka.

masuuliyiinta dowlada uga qabgalaya shirka ayaa saxaafada lahadlidoona markuu shirku soo idlaado ayagoona faah faahin kabixin doona wixii kasoo baxa kulankaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com