Askari Muqdisho uga bad-baaday shirqool halis ah – Muxuu kadib sameeyey?

Muqdisho (Caasimada Online) – Askari ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maanta ka bad-baaday shirqool dil oo ay u maleegayeen dabley hubeysan, xili uu ku jiray Maqaayad.

Askariga oo xiligaasi ku sugnaa Maqaayad ku taala xaafada Jamhuuriya ee degmadda Kaaraan, ayaa lasoo sheegaya inuu ku baraarugay halista uu dhexda u galay, isagoona dilay mid kamid ah raggii u diyaariyey shirqoolka.

Ninka la dilay oo ay wehlinayeen labo qof oo kale oo ku hubeysnaa bastoolado, ayaa rabay inay khaarajiyeen Askarigan oo xiligaasi ka cunteynayay maqaayada.

Wararka ayaa intaasi waxay kusii darayaan in labadii qof ee kale ay goobta ka baxsadeen, kadib markuu Askarigu toogtay Ninkii kale ee la socday.

Waxaa goobtaasi baaris ka bilaabay ciidamo ka tirsan booliska oo isla markiiba gaaray, iyagoona howl-galo lagu baadi-goobayo labadii ruux ee kale ka bilaabay xaafadaha kala duwan ee degmada Kaaraan.

Askarta ka howl-gasha magaalada Muqdisho ayaa badanaa halis ugu jira beegsiga, iyada oo inta badan falalkaasi qorsheysan ay mas’uuliyadiisa sheegato kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.