R/W Rooble oo magaca ka beddelay xukuumaddiisa, una bixiyey magac cusub

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacii badalay magacii xukuumaddiisa oo ahaa “Xukuumadda Kala-Guurka,” maadaama ay kusoo aaday xilli kala guur ah.

Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyay xukuumadda cusub ee ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna hadal jeedintiisii barnaamijka xukuumadiisa isticmaalay magac cusub oo uu u bixiyey xukuumadda oo ah “Xukuumadda Isla-Guur”.

“Waxaan idiin soo gudbinayaa Barnaamijka xukuumadda oo aan aaminsanahay iney ka turjumeyso marxaladda dalka marayo ee waqtiga isla-guurka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Lama oga ujeedada ka dambeysa isticmaalka eraygaas, walow ay dadka siyaasadda ka faallooda ku fasireen in ra’iisul wasaaraha ula jeedo inuu ku muujiyo midnimo oo ah in dalku isku meel u socdo.

Xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxaa looga fadhiyaa muddada yar ee u hartay iney ku qabtaan hawlaha horyaalla oo ay ugu weyn tahay arrimaha doorashada.

Xukuumaddan ayaa wax go’aano ah ku lahayn doorashada dalka ka dhaceysa iyo habka loo fulinayo, maadaama ay taas heshiis ka gaareen madaxweynaha iyo madax goboleedyada, waxaana laga doonayaa kaliya inay dhaqan-geliso heshiiskaas.