Eedo musuq-maasuq iyo caddaalad darro oo hareeyey kursiga beesha Awbakar

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya eedeo la xiriira caddaalad darro lagu sameeyey kursiga ay beesha Awbakar Gaabane ee Harti-Abgaal ku leedahay baarlamanka maamulka HirShabeelle, oo dhismihiisa uu hadda socdo.

Kursiga ayaa waxaa hadda ku fadhiya xildhibaan kasoo jeeda jufada Cali Yacquub oo ka mid ah afarta jufo ee beesha Awbakar Gaabane, ayada oo saddexda kale ay yihiin; Xasan Yacquub, Axmed Yacquub iyo Khajafweyn.

Sida ay tahay nidaamka wax qeybsiga jufooyinka, ee ah in la wareejiyo kuraasta, waxaa qorshuhu ahaa in kursigan aysan kusoo laaban beesha Cali Yacquub maadaama ay ku fadhiyeen afar sano, sidaas darteedna la siiyo saddexda beel ee kale midkood.

Jufada Xasan Yacquub, waxay ku fadhisaa kursiga xildhibaanka federaalka oo uu haysto wasiirkii hore ee amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale. Waxay sidoo kale Jufadan haysataa agaasimaha guud ee wasaaradda dekedaha oo uu kasoo jeedo Dhagaxtuur.

Sidaas darteed, waxay ahayd in Imaamka Mudulood, Imaam Maxamed Yuusuf oo isna kasoo jeeda jufada Xasan Yacquub, uu kursigan siiyo Axmed Yacquub ama Khajafweyn midood, hase yeeshee waxaa lagu warramay inuu go’aamiyey in lagu celiyo beesha Cali Yacquub.

Odayaal ka tirsan Axmed Yacquub iyo Khajafweyn, oo lasoo xiriiray Caasimada Online, ayaa sababta sidan loo sameeyey ku sheegay inay tahay in jufada Cali Yacquub aysan Xasan Yacquub ku qabsan kursiga xildhibaanka federaalka, oo loo tartamayo dhowaan. Waxay sidoo kale sheegeen in arrintan uu ku lug leeyahay wasiir Ducaale.

Odayaasha ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in Imaamka uu caddaalad fali waayo beeshii uu kasoo jeeday, waxayna is-weydiiyeen sida uu ugu caddaalad fali karo Mudulood, haddiiba uu sidan ku dhex sameeyey beeshiisa.

Caasimada Online oo isku dayday inay la xiriirto Imaamka iyo Ducaale, si ay wax uga weydiiso arritan uma suurta-gelin.