Madaxweyne Farmaajo oo isbedel ku sameeyay taliska ciidanka xoogga dalka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta isbadal ku sameeyay taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha wuxuu isbadal ku sameeyay laba jago oo ah taliye ku-xigeenka taliska xoogga dalka iyo taliska ciidanka lugta.

Farmaajo wuxuu taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka u magacaabay Jeneraal Cabaas Amiin Cali, sidoo kale,a Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayuu u magacaabay taliyaha ciidanka dhulka, halka Col. Xuseen Xoos loo magacaabay taliye ku xigeenka ciidanka dhulka.

Xaflad lagu qabtay wasaaradda gaashaandhigga ayey maanta xilalka kula wareegeen saraakiisha la magacaabay iyadoo aan la shaacin magacaabistooda.

Dowladda dhexe waxey mudooyinkii ugu dambeeyay mashquul ku noqotay isbadalka saraakiisha ciidanka xoogga dalka, ayada oo mucaaradka ay arintaan dhaliil xoog leh kasoo jeediyeen.

Dadka saluugsan siyaasadda dowladda dhexe waxey aaminsan yahiin in isbedelada joogtada ah ay cuuryaaminayaan shaqada ciidaka xoogga dalka, oo dagaal ba’an kula jira dagaalyahanada Al-Shabaab.