Muqdisho: Waddo lix sano u xirneyd safaarad oo dib loo furay maanta + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa galabta bilaawday qorshihii u dambeeyey oo dib loogu furayo wadada ka baxda isgoyska KM-4 ee aada dhanka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin ama isgoyska Tarabuunka.

Dib u furista wadadan ayaa bilaabatay kadib markii ay halkaas ka guurtay safaaradda Qatar ee Soomaaliya oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay wadadaas u xirneyd, taas oo meel kala ka degtay magaalada.

Caasimada Online ayaa dhawaan baahisay in safaaradda Qatar ay ka guureyso dhismahaas, isla markaana la furayo wadadaas oo muhiim u ah isticmaalka shacabka caasimadda Muqdisho.

Intii ay xirneyd wadadaas dhowr guddoomiye oo soo maray caasimadda ayaa isku deyey in dib loo furo, balse waa ku guul-dareysteen, waxuuna cadaadiska ugu badan uga imaanayey mas’uuliyiinta amniga dowladda federaalka, maadaama dowladda Qatar oo wadadu u xirneyd ay saaxiib dhow la tahay madaxda dowladda.

Intii safaaradda Qatar aysan soo degin dhismahaas waxaa horay u daganeyd safaaradda Turkiga oo markii dambe ka guurtay, kadib markii xeebta Muqdisho ay ka dhisatay dhul aad u baaxad weyn.

In kastoo wadadaas ay ka mid aheyd wadooyinkii ay dib u dhistay dowladda Turkiga ee laamiga la saaray kol hore, hadana dadka reer Muqdisho mar hore ayey ka caageen isticmaalkeeda, waliba iyagoo aad ugu baahi qabay.

Xirnaashaha wadadaas waxay abuurtay ciriirigii ugu darnaa oo soo wajahay sanadihii lasoo dhaafay gaadiidka maraya isgoysyada ku teedsan, gaar ahaan KM-4 iyo Taleex.

Sidoo kale waxaa xirnaashaha wadadaas darteed u xirmay ganacsiyo badan oo aaggaas ku yiilay, waxaana horay wax looga qaban waayey dacwado ay gudbiyeen dadkii deriska la ahaa safaaradda xiratay wadadaas muhiimka ah.