Askarta Axmed Madobe oo kufsi looga maaro la’ yahay Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in ciidamada maamulka ay deegaano halkaasi ku yaalla ka geysteen dilal iyo kufsi is barbar socda.

Ciidamada maamulka ayaa dad shacab ah ku dilay Isgoyska Balcad ee Bartamaha Magaalada Kismaayo, iyagoo falkaasi kadib isaga dhaqaajiyay goobta.

Dadka ay ciidamada dileen ayaa waxaa kamid ahaa dad ka dukaameysanaayay goobo ganacsi oo ku yaalla Isgooyskaasi, halka dadka qaarna lagu laayay deegaano kale oo duleedka ka ah magaalada Kismaayo.

Ciidamada ayaa isla magaalada Kismaayo ka geystay falal fool-xun oo u badnaa Kufsi bareer ah, waxa ayna dadka deegaanka kusoo waramayaan in dumarka la kufsaday ay kor u dhaafayaan ilaa Shan kuwaasi oo siyaabo kala duwan loo ugaarsaday.

Col Cabdirashiid Macallin Gaas oo ka mid ah Saraakiisha dowladda Somalia ee ku sugan Jubbada Hoose, ayaa sheegay in dadka shacabka ah ay qaati ka taagan yihiin ciidamada maamulka.

Waxa uu sheegay in ciidamada maamulka ay geystaan falal isugu jira dil iyo kufsi waxa uuna cod dheer ku sheegay inay hayaan kiisas cad oo cadeymo leh.

Col Cabdirashiid ayaa ku baaqay in wax laga qabto dhibaatada ay ciidamada Jubbaland ku hayaan dadka deegaanka.

Dhanka kale, dumarka la kufsaday qaarkood ayuu sheegay inay la kulmeen dhaawacyo adag.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com