Dagaal culus oo ka dhacay deegaano hoostaga Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalkaani oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Godinlabe oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia.

Dagaalka ayaa ahaa mid u dhexeeyay ciidamada NISA ee Galmudug iyo maleeshiyaad hubeysan oo jidgooyooyin dhigtay deegaanka Godinlabe.

Dagaalka oo hub culus leysu adeegsanaayay ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dadka deegaanka iyo ciidamada uu dagaalka u dhexeeyay.

Mid kamid ah Saraakiisha hogaamineysay ciidamada NISA ee Galmudug ayaa sheegay in markii hore uu ujeedkooda ahaa inay si degan u qaadan Isbaarada balse ay iska caabin kala kulmeen maleeshiyaadka, sidaana uu dagaalka ku dhacay.

Sargaalka ayaa sheegay in dagaalka ay ku dhinteen ilaa Afar kamid ah maleeshiyaadka, sidoo kalane ay nolosha ku qabteen tirro maleeshiyaad ah kuwaasi oo iminka ku jira gacanta ciidamada, halka sidoo kale ay jiraan kuwo baxsaday.

Maleeshiyaadka ayuu sheegay inay ka qabsadeen qoryo ay ku dagaalamayeen waxa uuna Sargaalka cadeeyay in dagaalka uu ahaa mid guul u ah maamulka.

Inta badan deegaanada maamulka Galmudug ayaa waxaa yaalla Isbaarooyin dhowr ah oo dhaqaale looga qaato dadka shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com