Murugadii Maryan Nuux Muuse, Mo-Faarax ku ilow (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya oo sanado badan burbur uu ka jiray ayaa ka mid noqotay wadamo  badan oo ka qeyb galayay ciyaaraha Olompikada Adduunka oo sanadkaan ka dhacaya dalka Brazil, waxaana Soomaaliya kaga qeyb galaya labo orodyahan.

Orodyahanada Soomaaliyeed ayaa kala matalaya ama ka qeyb galaya orodada Wiilasha iyo Gabdhaha, waxaana dhanka gabdhaha shalay Soomaaliya u oroday Maryan Nuux oo oroday 400 oo Meter.

Maryan Nuux, waxay tartanka la gashay gabdho matalayay dalal kale oo muuqaal ahaan ka duwanaa Maryan, waxaana gabdhaha kale ka muuqday qaab dhismeen wanaagsan oo murqaha ah iyo u diyaar garowga orodadaasi.

Waxay ordeysay orod u baahan diyaar garow badan oo dhaqso  la doonayo in lagu gaaro barta kama dambeysta ee guusha, balse waxaa ka muuqatay Maryan ineysan laheyn orodka ay ka qeyb gashay.

Waxay muujisay Dadaal, waxayna soo hoysay guulweyn marka loo eego Gabar u ordeysay dowlada Qatar oo ah dowlad dhisan oo ka dambeysay Maryan, maadaama ay matalaysay dal dowlad aysan ka jirin muddo badan.

Waxaa Maryan ay u muuqatay Gabar u baahan tababar dhameystiran, Raashiin Dheeli tiran iyo taageero wadaniyadeed.

Murugada ka muuqatay Maryan marka ay orodka dhameysatay ,waxaa dad badan oo Soomaaliyeed ay ku iloobi karaan orodyahanka Soomaaliyee Maxamed Faarax (Mo-Farax) oo kaalinta koowaad ka galay tartanka orordka 10-ka kun ee Mitir oo ah tartan aad u dheer.

Wuxuu muujinayaa Maxamed Faarax in orodyahanada Soomaaliyeed ay u baahan yihiin taageero iyo tababaro joogto ah.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com