Jubbaland oo xil ka qaadis iyo magacaabid ku dhaqaaqday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxaa xilka looga qaaday Guddoomiyaha Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Wareegtada ayaa waxaa lagu magacabaaya Guddoomiyaha cusub ee Degmada Luuq, xilkaasi oo loo magacaabay Maxamed Xasan Cismaan.

Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sidoo kale lagu magacaabay ku xigeenka Guddoomiyaha Degmada Luuq oo laga dhigay Cabdi Ibraahin, halka Diiriye Aadan Dacar laga dhigay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee degmada, iyadoo Bishaar Xasan Cali laga dhigay Xoghayaha degmada.

Maamulkii hore ee xilka laga qaaday ayaa sheegay in xil ka qaadista uu sameeyay Maxamuud Sayid Aadan ay tahay mid si gaar ah loogu ugaarsanaayo iyaga, waxa ayna tilmaameen in xil ka qaadistooda uu xili hore kusii hanjabay Mr Maxamuud Sayid Aadan ka hor inta aan laga dhigin ku-xigeenka Axmed Madoobe.

Waxa ay sheegen in xil ka qaadistooda uu lasoo degdegay Maxamuud Sayid Aadan iyaga oo carab dhabay in wadada loo maray ay tahay mid khasab ah oo aan ogaansho laheyn.

Xil ka qaadista iyo magacaabida uu sameeyay Madaxweyne ku-xigeenka Jubbland Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxa ay imaaneysaa xili Sayid qudhiisa uusan la qabsan shuruucda maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com