Dhageyso Gaas: “Qolo xaafadaha Xamar jooga oo aan cidna matalin warkooda ma rabno”

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa mar kale ka hadlay muranka ka taagan xubnaha Aqalka sare ee baarlamanka iyo qaabka loo qeybiyey.

Gaas, ayaa si gaar ah uga hadlay iyo dooda ay qabaan xubnaha dowladda Federaalka u metala Somaliland iyo xubnaha la sheegay in loogu daray Puntland, oo ay ka qeyliyeen.

Gaas oo u wareysi siiyay Golaha 1960 ee xubnaha beeshiisa ay isku wareystaan iyo weriye Cali Xaraare ayaa sheegay in wax buuq ah aysan ka jirin xubnaha aqalka sare, balse ay jiraan sida uu yiri qolo xaafadaha Xamar joogta oo aan cidna metelin, oo qeylinaya.

Wuxuu si cad u sheegay in Somaliland xubnaha loo qoondeeyay aysan ahayn inay Dir Waqooyi leedahay

Hoos ka dhageyso Gaas.

[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/08/Cweli-Gaas-Isaaq.mp3″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com