Ethiopia oo ishortaagtay qorshihii Turkiga ee Soomaaliya iyo Xasan oo la yiri “Labada dal mid dooro”

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya oo booqdey Jigjiga iyo Addis ababa ayaa dowladda Itoobiya ay ugu hanjabtay in uu kala doorto Itoobiya iyo Turkey, iyada oo khilaaf weyn uu ka dhashay qorshaha dhismaha milatariga Soomaaliya oo ay jirtay heshiis hore oo dowladda Soomaaliya ay la gashay Turkiga.

Turkiga ayaa raba inuu xarumo tababaro oo waaweyn uu ka furo gobolada dalka iyo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, si loogu tababaro ciidanka milatariga Soomaaliya, halka Itoobiya oo dhawaan heshiis qarsoodi ah la gashay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ay qorsheyneyso in laga furo xarumahaas deegaanka Soomaalida Itoobiya ee kilinka shanaad, islamarkaana saraakiisha ugu sareysa ciidankaas ay noqdaan kuwa iyaga ku dhow oo ka amar qaata.

Saraakiisha Itoobiya ayaa Jigjiga ugu sheegay madaxweyne Xasan inuu ka baxo heshiiska milatari ee dowladdiisa ay la gashay Turkiga si rasmi ahna uu ugu dhawaaqo in tababarka Milatariga ay kula heshiiyeen dowladda Itoobiya, taasi oo la kala doorisiiyey Itoobiya iyo Turkiga.

Sidoo kale saraakiisha Itoobiyaanka ayaa ku gacan seyrey in qayb laga siiyo dowladda Soomaaliya heshiiska 260 Milyan ee la rabo in lagu diyaariyo ciidamada Soomaaliya ee la rabo in 2018 ay dalka amaankiisa la wareegaan oo ay bedelaan ciidamada Amisom.

Itoobiya ayaa Xasan iyo dowladdiisa ku eedeeysey inay sanad ka hor is hortaageen qorshe ay Itoobiyaanka ku doonayeen inay kula wareegaan hogaanka ciidanka Amisom ee howl galka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com