Xog: Wasiiro ka tirsan DF oo inay qoysaskooda la qaxaan billaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan la filaayo in dalka ay ka dhacdo doorasho lagu dooran doono Madaxweyne iyo Xildhibaano cusub, ayaa waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Wasiirada uu wakhtiga kasii dhamaanaayo ee ka tirsan Xukuumada Somalia ay bilaaben in Carruurtooda ay kala baxaan Somalia.

Wasiirada bilaabay inay Carruurtooda kala baxaan Somalia ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiiro ku-xigeenada kuwaasi oo carruurtooda ula baxay wadamada ay dhalashada ka heystaan, halka intooda badan ay dajiyeen dalalka Qadar, Masar, Kuwait, Turkiga iyo India.

Wasiiradaani uu xilka kasii dhamaanaayo ayaa cabsi ka qaba in dowlada ay hadda kamidka yihiin ku dul dhacdo iyaga oo carruurtooda ay ka jooga Somalia.

Wasiiradaani ayaa cabsi gaara ka qaba inay kamid noqon waayan dowlada la filaayo inay bedesho tan Madaxweyne Xassan Sheekh waana sababta ugu badan in carruurtooda ay dalka kala baxaan.

Intooda badan Carruurtooda ayaa waxa ay qurbaha ka imaaden tan iyo markii Aabayaashooda ay kamid noqdeen Xukuumadda hadda jirta, waxa ayna iminka dib ugu laabanayaan dalalkii ay kala imaadeen carruurtooda.

Mid kamid ah Saraakiisha ka howlgasha Garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in Seddexdii maalin ee ugu danbeysay uu arkaayay Wasiiro iyo Wasiiro ku-xigeeno Carruurtooda kala dhoofaayay Garoonka kuwaasi oo ku qornaa diyaarado kala nooc ah.

Sargaalkaani ayaa xaqiijiyay in Wasiirada qaar iyo Carruurtooda ay safar u ahaayen wadamada Carabta, halka qaarna ay u socdeen wadamada reer galbeedka iyo kuwa qaarada Africa dhaca.

Geesta kale, waxa uu tilmaamay inay jiraan kuwo kale oo xajistay kuraas, kuwaasi oo iyaguna la baxaaya carruurtooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com