DF oo qabatay raashiin halaabay oo gargaar ahaan loogu soo diray

Muqisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in magaalada Muqdisho lagu qabtay raashiin halaabay oo dowlada Masar ay usoo dirtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wasaarada arimaha gudaha ayaa sheegtay in qeyb kamid ah raashiin saarnaa markab oo dowlada Masar ay Soomaaliya usoo dirtay ay gaanta ku dhigeen, kaasi oo la sheegay inuu ahaa mid halaabay oo aan shacabka Soomaaliyeed la siin karin.

Wasiiro dowlaha wasaarada arimaha  gudaha C/rashiid Xidig oo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa mahadcelin u diray dowlada Masar, balse wuxuu sheegay in masuuliyada saaran ay in la ilaaliyaa tayada raashiinka kasoo dagaya dekada magaalada Muqdisho.

Xidig wuxuu sheegay in Kunteenaro kamid ah kuwa raashiinka ay saarnaayeen ay noqdeen kuwo aan la adeegsan karin, wuxuuna sheegay in baaris kadib la ogaaday inaan la adeegsan karin raashiinka.

Dowlada Soomaaliya ayaa bishii hore gudtay raashiin dhacay oo la shegay in hayada WFP ay laheyd kaasi oo la doonayay in ganacsi ahaan loo geeyo gobolka Gedo, waxaana lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com