Arrin caqabad keeni karto oo ku soo korortay dacwada Fethullah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Turkiga ayaa mar kale sheegtay in dowlada Mareykanka ay ka dalbatay in si KMG ah ay usii xiraan maalqabeenka Fethullah Gulen ee lahaa fekerkii laga afganbin lahaa dowlada Madaxweyne Erdogaan.

War qoraal ah oo kusoo baxay Wakaalada wararka Anadolu news ee dawladda Turkey, ayaa waxaa lagu sheegay in xeer ilaaliyaha Qaranka Turkiga uu dowlada Mareykanka u diray dalab ah in lasii xiro Fethullah Gulen.

Xeer ilaaliyuhu waxa uu sheegay in dowlada Mareykanka ay mar kale ka dalbadeen in Fethullah Gulen la dhigo xabsi KMG ah, inta ay go’aan rasmi ah labada dowladooda ka gaarayaan soo dhiibista Tuhmanahaasi.

Xeer ilaaliyuhu waxa uu sheegay in haddii ay adag tahay soo gacan galinta Fethullah Gulen ay dowlada Mareykanka ka codsanayaa in loo xiro Gulen inta ay qadiyadiisa laga soo afmeeri doono.

Dowladu waxa ay Fethullah Gulen ku eedeysay eedeymo kor u dhaafaya Toban qodob kuwaasi oo markii dib loo eego sharciga uu Mr Gulen ku muteysan doono ciqaab.

Sidoo kale, Ra’isul Wasaaraha dalkaasi Binali Yildirim ayaa maalmo un ka hor ku dhawaaqay in Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka Joe Biden booqan doona dalka Turkiga, boqashadaaso noqoneesa tii ugu horreeysey ee hoggaamiye reer galbeedka tan iyo markii inqilaabka fashilmay.

Wafdi ka socda Waaxda Cadaalada ee Maraykanka ayaa sidoo kale waxay imaan doonaan 22 August si ay ugala hadlaan Turkiga wadaadka celintiisa.

Dowlada Turkiga ayaa ka digtay Fethullah Gulen uu xasarad Siyaasadeed ka dhex abuuro labada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com