Axmed Madoobe oo weerar afka ah ku qaaday Guuleed iyo Gaas

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay soo ifbaxeyso dhaliilo ka dhashay go’aanka Madasha ay tirro kordhinta ugu sameysay maamulka Puntland, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in xiligaani iyo wixii ka danbeeya uu dalka gali doono xaalad adag isla markaana loo baahan yahay in Hogaamiyayaasha maamulada ay garwaaqsadaan in cidda ay u shaqeynayaan ay tahay Somali.

Axmed Madoobe, waxa uu sheegay in laga wanaagsan yahay in mar waliba leysku mashquulo, waxa uuna tilmaamay in ahmiyada ugu weyn ay tahay in Hogaamiye waliba uu garto in cida shaqada uu u hayo ay tahay Umadda Soomaaliyeed, sidaa darteedna laga wanaagsan yahay in masiirka umadda Soomaaliyeed laga dhigo mindi mindi ku taag.

Waxa uu sheegay inay dhicikarto dhaliil ka imaada Maamulka Galmudug, balse loo baahan yahay in marka hore leysweydiiyo cida tirada loo kordhiyay iyo cida tirro kordhinta raadineysa waxa uuna cadeeyay in labaduba ay yihiin Soomaali.

Madoobe waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Puntland iyo Galmudug ay kubada hoos u dhigaan isla markaana aysan colaado hor leh u horseedin Umadda Soomaaliyeed ee isku soo dhawaanshiyaha ku dhiiraneysa.

Puntland iyo Galmudug ayuu ku booriyay inay garwaaqsadaan guusha la tiigsanaayo oo aysan dib ugu laaban is faquuq iyo waxa loogu yeero sad bursi.

Sidoo kale, Madoobe waxa uu sheegay in guusha Puntland ay tahay guusha Soomaaliweyn, Guusha Galmudugna ay tahay guusha Soomaaliweyn, sidaa darteedna loo baahan yahay in lagu dadaalo tanaasulka.

Haddalka Axmed Madoobe, ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed uu sheegay in maamulkiisa uu dhaliil ka qabo labada xubnood ee maamulka Puntland loogu kordhiyay aqalka Sare.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com