Gabar 14 sano jir ahayd oo isku dishay S/LAND markii Siilaanyo…

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Ceerigaabo ayaa sheegaya in gabar da’deeda lagu qiyaasay 14 sano jir ay isku dishay magaaladaasi kadib markii natiijo hoose ay ka keentay darajada imtixaanka fasalka 8 ee dugsiga Imaamu Shaafici ee magaalada Ceerigaabo.

Gabadha oo magaceeda lagu sheegay Naciimo Axmed Jaamac ayaa Mindi qoorta isaga jartay, waxaana la sheegay iney ka careysneyd darajada hoose ee ay ka keentay imtixaanka Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Imaamu Shaafici.

Waalidiinta dhalay Naciimo ayaa sheegay in ilaa shalay ay ka walwalsaneyd gabadhooda natiijada ay kusoo baxday oo aheyd mid sababtay iney ka mid noqoto 603 arday oo ka dhacay deegaanada Somaliland oo dhan, kadib markii darajo hoose ay keeneen.

Naciimo oo markii ay middada isla dhacday loola cararay isbitaalka guud ee magaalada ayaa shaqaalaha isbitaalka waxay sheegeen ineysan suuro galin badbaadinteeda oo isbitaalka ay ku dhimatay, maadaama dhaawac xoogan ay isku geysatay.

Dhacdadan xanuunka badan ayaa imaneysa xilli dowlado ka tirsan qaaradda Afrika ay qaateen nidaam lagu fududaynayo imitixaanaadka ardayda walwalka faraha badan ku haya, waddama nidaamka cusub qaatay waxaa ka mid ah Koonfur Afrika , Tanzania, iyo Kenya oo baarlamaankeedu uu meel mariyay nidaamkaa cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com