Xog: Siilaanyo oo ka faa’iideystay arintii ka dhacday shirka madasha

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan Siyaasiyiinta Somaliland ka joogta magaalada Muqdisho kana mid ah dowlada Somalia ay shaaciyeen inay kasoo horjeedan qodob kamid ah qodobadii kasoo baxay shirka Madasha ayaa waxaa arrinkaasi ka faa’iideystay Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Siilaanyo ayaa sheegay in maamulkiisa uu cafis u fidinaayo Siyaasiyiinta kasoo jeeda maamulka ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Siilaanyo waxa uu tilmaamay in maamulka Somaliland uu dib ula laabanaayo go’aankii hore ee ahaa in Siyaasiyiinta maamulka kasoo jeeda kana tirsan DFS aysan imaankarin deegaanada Somaliland isla markaana uu shaaciyay in Somaliland ay culeyskii la saaraayay Siyaasiyiintaasi ka cafineyso si ay dalkooda dib ugu soo laabtaan.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cismaan C/laahi Saxardiid (Cadaani), ayaa shaaciyay in Madaxweynaha Somaliland uu cafis u fidiyay Siyaasiyiinta ka hortimid qodobadii laga soo saaray shirkaasi.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa ”Walaalaheyga Somaliland ee Xamar jooggaahi garteen inay inaan Xamar waxba u oolin waxaa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu leeyahay wax alla wixii siyaasi ah ee ku sugan maanta Somaliya ama Muqdisho ee Somaliland ka soo jeeda inuu cafis u fidiyay. Cafis kama dambeena ayuu u fidiyay”

Ujeedka ugu weyn uu Madaxweyne Siilaanyo Cafiska ugu fidiyay Siyaasiyiintaasi ayaa ah inay dib ugu laabtaan deegaanadooda si ay ula shaqeeyaan maamulka waxa uuna Siilaanyo cod dheer ku sheegay in si gaar ah ay ula hadli doonaan waa haddii ay kasoo laabtaan go’aankii ay kula shaqeynayeen dowlada Somalia.

Siilaanyo ayaa doonaaya inuu ka faa’iideysto qeyla dhaanta Siyaasiyiinta Somaliland ee xilalka ka haya dowlada Somalia, waxa uuna hamigiisu yahay in caalamka uu tuso in Siyaasi ka tirsan Somaliland uusan la shaqeyn dowlada Somalia.

Siilaanyo ayaa cafiska Siyaasiyiintaasi uu u fidiyay doonaaya inuu u maro gooni isu taaga waxa uuna xooga saarayaa in Siyaasiyiintaasi ay is casilaan isla markaana isku dhiibaan Somaliland.

Go’aankaani ayaa yimid kadib markii Xubnaha Somaliland ay ka heshay Aqalka Sare laga jaray laba xubnood oo loogu biiriyay maamulka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com