Hadliye: “Xasan Sheekh waligaa xilka noo haay ha nagu dhihina”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya C/Salaan Hadliye Cumar oo ka hadlay shir ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ka dhawaajiyay ineysan dooneyn in Xasan Sheikh Maxamuud uu iska hayaa xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiir Hadliye ayaa la hadlay koox fanaaniin ahaa oo markaana hotelka ay ku sugnaayeen ka qaaday mid ka mid ah heesahii loo qaaday madaxweyne hore Maxamed Siyaad Barre oo Haye Caynaanka Haay, waligaa Haay.

Hadliye, ayaana ka codsaday kooxda Fanaaniinta in haddii ay la kulmaan Xasan Sheekh aysan u qaadin heestaasi dhaheysa waligaa Haay, waxaana mar qura qosol is qabsaday dadki hotelka ku sugnaa.

“Walaalkeyga Heesaya waxaan rabaa inaan xasuusiyo markuu idiin yimaado madaxweynuhu Xasan Sheikh Walaalow ha nagu dhihin waligaa Haay xilka, hana nagu qaadin, xilka ha hayo laakiin markaan inuu dhaafo weeye”ayuu yiri Wasiir Hadliye.

“Waan rabaa inuu sii joogo madaxweynaha laakiin ma ahan inaad dhahdaa waligaa Haay, waxaa la rabaa inaad adinkana timaadaan oo xilka aad qabataan”ayuu hadalkiisa kusii daray.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sanadkaan kamid ah musharixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana haddii uu ku guuleystaa oo fursad u helayaa afar sano oo kale inuu dalka maamulaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com