Xog: Xasan oo odayaal Hawiye ah la shiray (Balse maxaa dhacay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabay ololihiisa doorasho waxaana la soo sheegayaa in ololaha uu ka bilaabay dhanka Odayaasha dhaqanka.

Madaxweyne Xassan oo dadaal lixaad leh ugu jira hanashada kursiga Qaranka ayaa waxaa iminka u suuragashay in kulamo hordhac ah uu Villa Somalia kula qaato Odayaal si gaar ah loo soo xulay.

Odayaasha ayuu ka dalbaday inay gacan ka geystaan Siyaasada lagu doonaayo in dib mar kale loo doorto, waxa uuna hordhigay lacago la sheegay inay aheyd hordhac.

Odayaasha ayuu u ballanqaaday inuu siin doono dhaqaale kale oo abaalmarin ah waa haddii ay u rumeeyan riyadiisa ah in mar kale uu hanto kursiga.

Odayaasha uu sida gaarka ah ula kulmay ayaa ka kala socda Beelaha Abgaal, Habar gidir iyo Murusade, balse ah kuwa aan miisaanka ku lahayn beelahaas dhexdooda.

Odayaasha qaar ayuu sheegay inuu ku abaalmarin doono dhaqaale uu horay uga ballanqaaday waxa uuna sidoo kale sheegay in abaalmarinta ay intaa kasii badnaan doonto waa haddii uu mar kale soo laabto.

Si kastaba, odayaasha uu Xasan la kulmay ayaa u sheegay inaysan saameyn badan ku dhex lahayn beelahooda, loona baahan yahay inuu la shiro odayaasha miisaanka culus.

Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh ayaa dib usoo laabashadiisa u adeegsanaayo dhaqaale adag waxa uuna iminka iska adkeynayaa dhanka Odayaasha beelaha ee iyaga soo xuli doona Xildhibaanada wax dooran doona.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com