Yaa Xasan Sheekh ku qasbay in uu tago magaalada Jigjiga (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka dhawaajiyay cidda sababtay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud uu tagaa magaalada Jigjiga ee caasimada DDSI.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha Ethiopia uu ka dambeeyay in madaxweyne Xasan Sheikh uu tagaa magaalada Jigjiga, safarkaasi oo micno badan dhaliyay.

Cabdi Maxamuud, wuxuu sheegay in DDSI ay deegaan Soomaalida ay kaga dayan karaan dhanka nidaamka Federaalka, wuxuuna ka dhigay sida dhul dowlada Ethiopia ay leedahay oo nidaamkaasi uu ka jiro.

Micnayaasha Safarka Xasan Sheikh ee Jigjiga loo sameeyay ayaa waxaa kamid ah inuu jiro balanqaadyo badan oo dowlada Ethiopia ay ku xirtay safarka Jigjiga, maadaama ay ka dhigan tahay in Xasan uu booqday magaalo Ethiopia ay leedahay.

Wararka qaar ee la helayo ayaa sheegaya in booqashadaasi ay ku xirneyd dib usoo laabashada Xasan Sheikh oo ku guuleysta doorashada labo bil kadib ka dhaceyso magaalada Muqdisho.

Halka wararka kale ay sheegayaan inuu soo arkaa xero la doonayo in lagu tababaro ciidamada xooga dalka Soomaaliya, iyadoo dhaqaalahaasi Imaaraatka carabta uu bixinayo, waxaana ciidamada tababarka siinaya saraakiil Ethiopian ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com