XASAN SH., doorashada, Itoobiya iyo ONLF: Taariikh cusub qoro!!

Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho ku tagay Gobalka Soomaali Galbeed(Ogaden Region) ee ku jira gacanta Dowlada Itoobiya. Gobalka wuxuu soo maray xaallado adag oo colaadeed uu u dhaxeeya Dowlada Itoobiya iyo Ururka ONLF (Ogaden National Liberation Front) oo ah Urur gobanimo doon dagaalna ku jiray illaa 1994.

Booqashada Xassan Sheekh ee Jigjiga waxay la mid tahay Madaxweyne Carbeed oo booqda Talaabiib Dhulka Yuhuuda qabsatay ee Carbeed, midaas oo la mid ah aqoonsi loo siiyay dhulkaas oo ahaa dhul Carbeed Sidoo Kalle Xassan Sheekh booqashadiia waa mid ku dheehan arragti noocaas ah oo rajjo quusin ah isla markaasna fariin u diraysa qof walba oo Soomaali ah oo ku jirto hamiga ah “ Nationalism” Fikirka qowmiga ah ee Soomaali.

Intaas waxaa sii dheer haddalada uu Xassan Sheekh oo ah xilligan Madaxweyne Soomaaliyeed oo ku aflagaadeyay Urur Soomaali ah oo Gobnimo u diriraya isagoo Ururka ONLF ku tilmaamay Koox Injir leh waxaana haddaladiisa uu khudbadda Barlamaanka Itoobiya ee Kililka u jeediyay ka mid ahaa sidan hoose.

“Shalay wiilashii aan soo arkay ee Injirta lahaa (ONLF), Raamaha la baxay ee maanta qurxoon ee waliba Injirtaas u dheerayd Danbiilanimadda ee walalkii dilayay. Maanta waa hantiilayaal, Shalay markay UBO ka imanaayeen hanti maysan haysan!

Aan qoraalkan dib u kala dhigo, Kalmada ah walaalkii dilayay? Xageebuu Xassan Sheekh ku caddeyn karraa in ONLF walalkood dilaysay? ONLF waxay la diriraysay Itoobiya, Sidee Madaxweyne Soomaali u adeegsan karraa kalmadda Wiilasha Injirta leh! Miyaan ahayn midaas daciifnimo midii abid ugu weynayd ee Madaxweyne Jamuuruyad xor ah ee Soomaaliyeed heerkaas gaadho! Xagee buu ku arkay Hantida ay haystaan maanta! Bal waxaan uga tagayaa Jawaabaha Dadka Soomaaliyeed?

Xassan Sheekh Iyo Doorashada 2016!

Madaxweynaha Maamulka Kililka Cabdi Maxamud Cumar wuxuu yiri isaggoo qoslaya” waxaan oran lahaa hadaad rabtaan inaad Horumar gaadhaan sidanada waa inaad Xassan Sheekh Dooraataan markalle!

Haddalkan wuxuu qeexayaa mid ka mid ah Safarka Dhabta ah ee Xassan Sheekh midkaas oo ahaa in Codadka Darood ee Xildhibaanada si buuxda u siiyaan Xassan Sheekh markalle arrintan ay ka shaqeeyaan Madaxweynaha Kililka Iyo Axmed Madoobe fariintaas oo ku socota Xildhibaanadda Beesha Mareexaan Iyo Harti! Waxaa la yaableh in maanta ONLF loo adeegsado caydeeda in Doorashada 2017 lagu soo baxo! Midaas waxay noo caddeynaysaa in ONLF Geeska Afrika ka tahay Awood tartan lagu gallo basle su,aasha muddan in la is waydiiyo ayaa ah. ONLF way dhamaatay Iyo waan sii caayaynaa ma is qabataa! Maxay tahay cabsida intaas la eg ee laga qabo ONLF wayba dhamaatay ayaa la yiri ee Madaxeynaha Soomaaliya loo adeegsan!

Itoobiya Iyo Booqashadda Xassan Sheekh?

Kacdoon ayaa ka jira Itoobiya, Qoomiyadda Tigreega ee xukunka haysa sababta u weyn ay ugu soo direen Xassan Sheekh Jigjiga waxaa weeye fariin ku socota Qoomiyadda Axmaaradda oo ah Haddii aad bur bur galisaan Itoobiya waa lagu kala tagayaa Soomaalidana way is raacaysaa innaga waan is dilaynaa! Waa qoddob muhiim ah oo lagu khuukhinaya Qoomiyadda Oromada Iyo Axmaaradda.

Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynaha Kililka!

Ama Necbow ama Jeclow, Cabdi Maxamuud Cumar wuxuu maanta noqday nin Magac weyn ku dhex leh Soomaalida waxaana xaqiiq ah in gaar ahaan Siyaasiyiinta Soomaalida ay ku daba sujuudaan isagoo dhana aamisan Soomaalinimo, Itoobiyaanimo Iyo Qabiilba! Annu shaqsiyan waxaan leeyahay Soomaalida sidaas ku wad ulana dhaqan sababtoo ah way istaahilaan!

W/Q: Maxamed Khadar