Xog: Imisuu Xasan ku iibsaday halkii xubin ee gudiga doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraaya xogaha ay shabakada Caasimada Online ka heleyso nidaamka ay ku shaqeynayaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somalia ee dhawaan maankiisa uu ka magacaaway Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh.

Xogaha isa soo taraaya oo ay heleysho shabakada Caasimada Online ayaa muujineysa in Madaxweyne Xassan uu heshiis toos ah la galay Guddiga doorashooyinka, kaasi oo dhacay maalin un ka hor inta uusan furmin Shirka Madasha Qaran ee hadda kusoo xirmay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xassan iyo Guddiga ayaa waxaa dhex dhexaad u ahaa xubno Siyaasad ahaan ku dhow dhow Madaxweynaha sidoo kalane saaxiib dhow la ah Guddoomiyaha Guddiga Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey) oo shaqsi ahaantiisa horay u ahaan jiray la-taliyaha gaarka ah ee Xassan Sheekh.

Heshiiskaani ayaa waxa uu ka dhacay Xafiiska Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh, waxa uuna u dhacay 2 qeybood oo la rumeysan yahay in loo kala saaray sida ay u kala culusyihiin.

Xogtu waxa ay muujineysaa in qeybta koowaad uu Xassan Sheekh ku iibsaday xubin waliba 30,000$ si ay u gutaan howlaha ay u hayaan Xassan Sheekh.

Qeybta labaad ayaa waxaa la sheegay inay ku dhufteen min 20,000$, waxa ayna xogtu intaa kusii dareysaa in dhaqaalaha gaarka ah ee loogu tallo galay Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey) ay tani ka madax-banaan tahay isla markaana wixiisa si gaar ah loogu qoondeeyay.

Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey), ayaa iminka fadhi ka dhigtay Xafiiska Madaxweynaha, isaga oo halkaasi kulan joogta ah kula qaata Xassan si ay uga wada hadlaan jaanroga Siyaasada cusub.

Madaxweyne Xassan ayaa sidoo kale, Cumar Dhagey dajiyay Hoteel Jazeera ee magaalada Muqdisho, iyadoo dhaqaalahaasi ay ku socto Xassan Sheekh.

Lacagaha aan kor kusoo xusnay ayaa waxaa barbar socda lacago kale oo lagu indha sarcaadinaayo xubnahaasi, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in xubnaha qaar aan lasiin dhaqaalaha kor ku xusan sababo Siyaasadeed jira aawgood.

Xassan Sheekh oo kulamo kala duwan la qaatay guud ahaan Guddiga doorashooyinka Qaranka, ayaa waxa uu cadaadis ku saaray inay u dhaga nuglaadan awaamirta Cumar Dhagey.

Geesta kale, qorshaha fog ee Xassan Sheekh ayaa ah in guusha doorashada ay u hoyato dhankiisa, isagoo adeegsanaaya Guddiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdsho
Caasimada@live.com