XOG: Sad bursiga PUNTLAND oo abuuray xasarad siyaasadeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa wali ku adkeysanaaya inuu qaadacay go’aanka sad bursiga maamulka Puntland ee labada lamber loogu kordhiyay tiradii ay horay uga heysteen aqalka sare.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha maamulka Galmudug Axmed Baasto oo ka hadlaayay sad bursiga Puntland ayaa sheegay in dalka uu sharci ka jiro isla markaana uusan qabin in si ku talagal ah looga weecdo sharciga waxa uuna arrin laga fiican yahay ku sheegay go’aanka lagu aqbalay sad bursiga Puntland.

Baasto waxa uu sheegay in mar jaca dalka uu yahay sharciga sidaa darteedna loo baahan yahay inaan la baalmarin sharciga dalka ee ku xeeqan dastuurka.

Waxa uu sheegay in arrin laga xumaado ay tahay in heshiis horay loo wada gaaray ay dowladu ku dhiirato in dib loo burburiyo waxa uuna cadeeyay in cadaalad darro ay tahay in Puntland lasiiyo xubno dheeri ah.

Baasto waxa uu ku baaqay in Madashu ay dib uga fiirsato go’aanka ay Puntland ugu meel-mariyeen labada xubnood ee iminka loogu darar xubnihii ay horay u heysteen.

Waxa uu sheegay in xaaran ay tahay in madashu ay cid gaar ah u roonaato waxa uuna cod dheer ku sheegay in loo baahan yahay in Puntland tirro dhimis lagu sameeyo ama maamulada kale tirada loo kordhiyo.

Daahir Cirro oo kamid ah Siyaasiyiinta dalka ayaa sheegay inay muhiim tahay in Madasha looga danbeeyo wixii tallo iyo tusaalaba ah waxa uuna ku baaqay in kalsooni lagu qabo madaxda dalka ugu sareysa.

Daahir Cirro waxa uu sheegay inuu bogaadinayo Madasha Wadatashiga, waxa uuna cadeeyay in tirro kordhinta ay timid xili munaasib ah isla markaana dowladu ay garwaaqsatay daweynta boogta.

Waxa uu tilmaamay in deegaan ay ka jirto degnaansho aan lala simikarin deegaan aan laheyn xasilooni, sidaa darteedna ay bogaadinayaan go’aanka madasha.

Tirro kordhinta loo sameeyay maamulka Puntland ayaa waxaa ka dhashay xasarad siyaasadeed taa oo sababtay in Siyaasiyiinta Galmudug iyo Puntland hawada isku mariyaan dhaleecen.

Dhawaan ayey ahayd markii Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed uu ka soo horjeestay qaar ka mid ah qodobada Bayaankii Madasha wadatashiga Hoggaamiyayaasha Qaran ee ku soo gaba gaboobay Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com