CC oo si jees jees ah uga hadlay qodob saameyntiisa ay muuqato

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay dadaalka DFS ee ku aadan doorashada Somalia.

Sharmaarke waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay diyaar u tahay qabashada doorasho taariikhi ah, waxa uuna tilmaamay in jadwalka doorashada intooda badan ay gacanta kula jiraan.

Sharmaarke waxa uu sheegay in dowladu ay diyaar u tahay qabashada doorashada iyo xiligeeda waxa uuna meesha ka saaray wararka sheegaya in qorshaha dowlada uu yahay wakhti dheereysi.

Waxa uu soo hadal qaaday qeyla dhaanta ka dhalatay tirro kordhinta loo sameeyay maamulka Puntland waxa uu tilmaamay in Puntland tirro kordhintaasi loogu sameeyay fadhi loo dhamaa isla markaana aysan jirin cid la dhuumatay tirada loogu daray Puntland Aqalka sare.

Waxa uu nasiib darro ku sheegay in iyadoo meel cad lagu wada gaaray go’aanka tirro kordhinta loo sameeyay Puntland ay haddana mas’uuliyiinta qaar qaadaceen go’aankaasi waxa uuna cadeeyay in howsha dowladu aysan waxba iska dhimi doonin.

Sharmaarke waxa uu ku taliyay in si isku duubni ah looga wada qeybqaato dadaalka lagu hirgalinaayo doorasho ka dhacda Somalia, waxa uuna ku baaqay in la muujiyo isku duubni oo laga tanaasulo is qabqabsiga iyo is faquuqa.

Dhanka kale, Sharmaarke ayaa Hogaamiyayaasha Goboladda dalka ku dhiiragaliyay muujinta kaalintoooda iyo tixgalinta Heshiiska madasha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com