Cabdi Weli Gaas oo Jawaab kulul siiyay Guuleed iyo xubnaha DF…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/Welli maxamed Cali Gaas ayaa markii ugu horeysay ka hadlay hadal heynta ugu badan ee maalmahaan la hadal hayay xubnaha aqalka sare Puntland ay ka heshay.

C/Welli Gaas ayaa ku qasbanaaday kadib markii xubnaha aqalka sare ay ka heleen ay kasoo horjeesteen maamulka Galmudug iyo madaxda Somaliland u mataleysa dowlada Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in aysan garaneyn ujeedada looga hadlayo arrimaha tirada Puntland, isagoo sheegay in ay mandiqadu hesho Xaquuqdii ay xaqqa ugu lahayd Soomaaliya.

Gaas ayaa tilmaamay in dadka ka hadlaya arrimahan ay yihiin kuwa aan cidna matalin, kuna sugan xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasumada dalka.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in gobalada Sool, Sanaag iyo  Cayn ay ka mid yihiin dhulka Puntland oo aysan aheyn deegaanada Somaliland.

Wuxuu sheegay in marnaba aysan aqbali doonin hadalada kasoo yeeraya madaxda Somaliland kasoo jeeda ee ka mid ah dowlada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com