Hargeysa (Caasimada Online) Allaha ha u naxariisto, waxaa maanta magaalada Hargeysa ku geeriyooday wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya, danjire Axmed Maxamed Aadan Qaybe oo sidoo kale xilal kala duwan ka soo qabtay Somaliland.
Marxuumka ayaa ku dhintay da’da 83-jir, waxaana geeridiisa ka hadlay madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, isagoona aaska danjiraha u magacaabay guddi heer wasiiro ah oo uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis.
Marxuum Qaybe ayaa ah siyaasi rug cadaa ah, wuxuuna muddo 25-sanno ahaa danjire dowladii kacaanka ee marxuum Siyaad Barre.
Taarikh Koobaan
Marxuumka ayaa ku dhashay magaalada Caddan ee dalka Yemen sannadkii 1730-kii, wuxuu waxbarashadiisa dugsigga, hoose, dhexe iyo sarre uu ku qaatay dalka Yemen.
Wuxuu waxbarasho u aaday dalka Ingiriiska, isagoona sannadkii 1961-dii uu ka mid noqday toddobo danjire oo ahaa kuwii ugu horreeyay ee Soomaaliya ay magacowday.
Haddaba, maamulka iyo shaqaalaha Shabakadda Caasimada Online, waxay tacsi weyn u dirayaan qoyska,qaraabada,ehelada iyo dadkii uu ka baxay marxuum Axmed Maxamed Qaybe.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Hargeysa

