27 C
Mogadishu
Tuesday, December 16, 2025

Beesha CAALAMKA oo Madaxweynaha kala hadlay mooshinka R/W SAACID

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho, gaar ahaan, garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa goordhow ku soo dhammaaday, shir looga hadlaayay arrimo xasaasi ah.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweyne Xasan Sheekh, wasiirka maaliyadda, wafdi ka socda Midowga Yurub, gaar ahaan waddamada deeq bixiyaasha, QM, iyo dipolomaasiyiin kale.

Shirka oo ahaa mid albaabada uu u xiran yahay, waxaa looga hadlay mooshinka laga keenay raysal wasaaraha iyo xukuumadiisa, kaasoo hadda hor yaalla baarlamaanka iyo magacaabista guddoomiye cusub oo uu yeesho Baanka Soomaaliya.

Ilo xog-ogaal ah oo ka qaybgalay kulanka ayaa noo sheegay in looga hadlay arrimo badan oo xasaasi ah, waxaana markii uu soo dhammaaday saxaafadda si kooban ula hadlay wasiirka maaliyadda, Maxamuud Suleymaan.

Wasiirka ayaa tilmaamay in shirka looga hadlay qoddobo muhiim ah, oo ku jirro mooshinka laga keenay raysal wasaaraha iyo xukuumadiisa.

Wasiirka waxaa kaloo uu sheegay in lagu soo hadal qaaday siddii degdeg loogu magacaabi lahaa guddoomiyaha cusub ee Baanka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa tilmaamay in madaxweynahu uu u ballan qaaday wafdiga beesha caalamka iyo deeq bixiyaasha in loo hoggaansami doono sida mooshinka ay ugu codeeyaan baarlamaanka iyo natiijada ka soo baxda.

Wasiirka markii uu dhammeeyay shirkiisa, wuu diidday saxaafadda in ay su’aal weydiiyaan.

Waxaa jirta culeyso ka imaanaya beesha caalamka oo ku aadan mooshinka ka dhanka ah raysal wasaaraha iyo xukuumadiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News