AUN Feysal oo Muqdisho lagu aasey

Muqdisho (Caasimada Online) Allaha u naxariistee waxaa maanta oo Sabti ah magaalada Muqdisho lagu aasey xildhibaan Maxamed Warsame Feysal oo ahaa guddoomiyihii guddiga arrimaha bulshada ee baarlamaanka Soomaliya.

Marxuumka ayaa shaley ku dhintay qarax miino oo lagu xiray baabuurkiisa isagoo ku sugan madaxtooyada Soomaaliya.

Aaska marxuumka waxaa ka qaybgalay ku simaha raysal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid,guddoomiye ku xigeenka labaad baarlamaanka Mahad Cabadelle Cawad iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka.

Marxuumka ayaa aas qaran loogu sameeyay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Raysal wasaarihii horre oo ka hadlay munaasabada aaska marxuumka ayaa ku celiyay hadal uu shaley sheegay oo ah in ciddii ka dambeysay dilka xildhibaanka cadaalada la horkeeno.

Ilaa hadda ma jirto cid loo qabtay qaraxa lagu dilay marxuum Maxamed Warsame Feysal oo ka mid ahaa xildhibaannada cusub ee ku biiray baarlamaanka.

Dilkiisa waxaa si isku mid ah u cambaareeyay madaxda dowladda, Qaramada Midoobay iyo ehelkiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com