Australia oo soo bandhigtay kiis la xiriira musuq-maasuq oo dowladda Soomaaliya ay ku kacday

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay Dowlada Australia ayaa waxaa lagu sheegay in Magaalada Muqdisho lagu lunsaday gargaar loo siday dadka ku dhibaateysan Magaalada Muqdisho iyo daafaheeda.

Madaxa waaxda gargaarka dibada ee dalka Australia Julia Bishob, ayaa sheegay in Somalia ay ku tuhmayaan gargaarkii ugu badnaa abid oo ay ugu deeqan Dowlada Somalia, waxa uuna sheegay in Musuq-maasuqa gargaarkaasi lagula kacay uu yahay mid feejignaan ku abuurtay Australia.

Julia Bishob waxa uu sheegay in gargaarkaasi looga qafaashay Somalia uu ku kacayey ilaa 87000 oo dollar kaasi oo lagu bililiqaystay Magaalada muqdisho, sida uu hadalka u dhigay Julia Bishob.

Julia Bishob madaxa gargaarka waaxda arrimaha dibada ee dalka Australia ayaa sheegay in Dowladiisu ay aad uga xuntahay Musuqa lagu sameeyay gargaar ay ugu yabooheen dalkaasi oo ay tilmaantay in ay ka jireen dhibaatooyin ku saabsan dhinaca bani’aadinimada.

Gargaarkaasi ayaa waxa ay Dowlada Australia rumeysan tahay inay musuqday DF Somalia oo iyadu deeqahaasi loo gacan galiyay balse ay marisay wado aan habooneyn.

Deeq bixiyayaasha caalamka ayaa dhibaatooyin farabadan ka tabanaaya Dowlada Somalia oo iyadu luqaafo iyo isdabamarin kula dhaqanto deeqaha la soo mariyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com