Dowladda dalka Jabuuti oo raali gelisay Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowlada Jabuuti Saraakiil u hadashay ayaa warbixin been abuur ah ku tilmaamay hadal dhawaan uu saxaafada siiyay sarkaal ka tirsan ciidamada Jabuuti ee ku sugan Hiiraan oo uu kaga hadlayay ciidamo ka tirsan Ethiopia oo aan AMISOM ka mid aheyn.

Saraakiisha ciidamada Jabuuti u hadlay ayaa sheegay in dowlada Jabuuti ay beenineyso hadal kasoo yeeray sarkaalka Jabuutiyaanka ee ku sugan Beledweyne, kaasi oo ahaa in ciidamada Ethiopia ay qorshe qarsoon ka leeyihiin dalka Soomaaliya.

“Hadalkaasi waa waxba kama jiraan mana kamid ah siyaasada Jabuuti, oo uu xiriir qoto dheer uu kala dhaxeeyo dowlada Ethiopia ayna si wanaagsan u wada shaqeeyaan”sidaasi waxaa yiri taliyaha guud ee shaqaalaha ciidamada Jabuuti Sakariye Sheikh Ibraahim.

Sakariye, ayaa sheegay in eedeynta aysan aheyn mid ka timid wasaarada difaaca ama hogaanka sare ee Jabuuti, balse ay katimid shaqsi oo kaliya kana mid ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Sidoo kale Sakariye, ayaa sheegay inuu wanaagsan yahay xiriirka wadashaqeyneyd ee u dhaxeeya ciidamada Jabuuti ee jooga Hiiraan iyo kuwa Ethiopia oo ay ka wada tirsan yihiin howlgalka AMISOM.

Bartamihii bishan ayay aheyd markii sarkaal ka tirsan ciidamada Jabuuti ee Hiiran uu sheegay in ciidamo Ethiopian ah oo aan ka mid aheyn AMISOM ku sugan yihiin Hiiraan ayna leeyihiin dano gaar ah, maadaama ay ka amar qaataan magaalada Addis Ababa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com