Xildhibaanada mooshinka wada oo soo saaray war xasaasi ah oo ku saabsan mooshinka Xaan

Warsaxaafadeed – Guddiga Motionka ee Baarlamaanka

Waxaan u gudbinnay guddoonka baarlamaanka mooshin ka dhan ah Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud taariikhdu markay ahayd 12 bish Ogosto 2015, welina waxaa uu gacanta ugu jiraa guddoonka Baarlabaanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka ee gudbiyay mooshinka iyo guddoonka baarlabaanka, waxaan isku fahamnay in aay meesha ka maqan yahay maxkamaddii dastuuriga ahayd, sidaa darteed waxaan isla garanay in maxkamadda sare lagu daro afar qofood oo dheeri ah oo uu soo magacaabi doono hoggaanka baarlabaanka si loo helo maxkamad dastuuri ah sida uu qabo dastuurkii 1960.

Waxaan xaqiijinay in maxkamadda sare aay tahay midda kaliya ee dastuurka  u noqon karta madal fasiri karta taasoo awood siinaysa dastuurka si sharciga waafaqsanna loogu gudbiyo mooshinka maxkmadda, taasoo korka ka saaran in hoggaanka baarlabanku uu gudbiyo mooshinka sida ugu dhaqsaha badan.

Hoos Ka Akhri – Warsaxaafadeedka oo English ah

[pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/08/motion-press22.pdf”]