Xildhibanada mooshinka oo u tashtay Ilka-Xanaf

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan BF Somalia ayaa xaqiijiyay in Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweyne Xassan ay wadaan qorsho cusub oo BF ay ku horkeenayaan Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Ceydiid Ilka xanaf.

Qorshahaani ayaa la sheegayaa inay wadaan Xildhibaano ka tirsan BF gaar ahaan garabka Mooshinka wada kadib markii ay caqabad u arkeen Gudoomiyaha Maxkamada sare.

Ilka Xanaf ayaa la sheegayaa inuu kasoo horjeestay in Mooshinkaasi loo soo gudbiyo kadib markii ay wada fadhiisteen Madaxweyne Xassan Sheekh.

Mid kamid ah Xildhibaanada Mooshinka wada oo codsaday inaan la adeegsan magaciisa ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan iyo Ilka Xanaf ay ku heshiiyeen inaan la qaban Mooshinkaasi oo wakhtiga laga lumiyo Xildhibaanada Mooshin wadayaasha.

Waxa uu intaa ku daray hadalkiisa in Madaxweyne Xassan uu hakinta Mooshinka u adeegsanaayo Jawaari iyo Ilka Xanaf si isku tuur tuur uu wakhtiga ugu dhamaado, balse waxa uu cadeeyay inay wadaan qorsho ay Ilka Xanaf qudhiisa ku horkeeni doonaan BF.

Caqabada ugu weyn ayuu sheegay in Xiligaani ay ka heysato dhanka Gudiga sare ee BF iyo Maxkamada oo iyagu Siyaasad cusub ku doonaayo inay ku hakiyaan Mooshinka socda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com