Xildhibaannada mooshinka oo 4 shardi ku xiray inay ka noqdaan mooshinka iyo mid la aqbalay!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee wada Mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha ayaa shuruudo ku xiray inay ka noqdaan Mooshinkaasi oo ilaa iminka aanu guddoonka Baarlamaanka wax tallaabo ah ka qaadin.

Xubnaha hor-booday mooshinka ayaa kulamo ay la yeesheen Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid waxay ka wadahadleen sidii xal loogu heli lahaa Mooshinka, waxaana Cumar C/rashiid oo arrintan waanwaan ka galay la hordhigay qodobo adag oo ku saabsan sida xildhibaanada mooshinka wada u arkaan in lagu xalin karo xiisada ka dhalatay mooshinka.

Xildhibaanada mooshinka wada waxay Madaxweynaha ku eedeeyeen:

  1. Inuu iskiis u wato qorshe uu ku doonayo isaga iyo saaxiibadii inay awoodda dalka kula wareegaan 2016-da kadib.
  2. Inuu diidan yahay muddo kordhin loo sameeyo golayaasha dowladda
  3. Inuu qorsheynayo in Baarlamaanka hadda jira aanu soo laaban, isaga iyo saaxiibadiisna awoodda ku soo laabtaan.
  4. Inaan wax talo gelin ah laga siinin qorshaha looga gudbayo hiigsiga cusub
  5. Iyo inay jirto ku takri fal awood iyo hantidii qaranka

Xildhibaanada Mooshinka wada waxay dalbadeen si Mooshinka meesha looga noqdo arrimaha soo socda:

  1. In isku shaandheyn balaaran lagu sameeyo Golaha wasiirada
  2. In qorshe cad oo loo dhan yahay loo sameeyo qaabka looga gudbayo hiigsiga cusub
  3. In jagooyin wasiir la siiyo tiro ka mida xildhibaanada Mooshinka wada
  4. iyo In howsha fulinta aanu wax faragelin ah madaxweynaha ku sameyn karin kadib isku shaandheynta

Waxaa lagu heshiiyay

  1. In isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha Wasiirada laguna soo daro xildhibaanada Mooshinka badan qaar ka mida

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa ogolaaday inuu isku shaandheyn ku sameeyo golaha wasiirada, taasoo markii horeba ahayd qorshe dib u dhac ku yimid, waxaana socda wadahadallo kale oo ay leeyihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaaraha oo lagu gorfeynayo waxa laga ayeelayo dalabka xildhibaanada mooshinka wada.

Arrinta ugu weyn ee la isku hayo ayaa hadda soo muuqaneysa inay tahay loolan loogu jiro waxa dhici doona kadib 2016-ka oo cid waliba ay dooneyso inay tareenka sii saarnaato. Mana cadda si Ra’iisal wasaaraha arrintan xal ugu heli karo iyadoo ay adag tahay in wax laga dhaadhiciyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Isha goobjooge