Waa maxay danta QM iyo KAY ee Soomaaliya?

Nairobi (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb. Nicholas Kay ayaa wareysi uu siiyay idaacadda VOA waxaa uu sheegay in mooshinka uu caqabad ku noqonaayo doorashada sanadka 2016.

Haddaba Caasimadda Online ayaa waxaa aay ka wareysatay mowqifka QM ee mooshinka, aqoonyahano Soomaaliyeed oo ka faallooda arrimaha Caasimadda Online ayaa wax ka weydiisay Dr. Cabdirashid Xuseen Xaashi oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya waxaa uuna micneyay hadalka ka soo yeeray Nicholas Kay ee ku aadan Mooshinka aay dhawaan Baarlabaanka ka gudbiyeen Madaxweynaha in uu yahay mid carqalad ku noqonaayo in QM aay helaan lacagihii loo qoondeeyay in aay Soomaaliya ka dhacdo doorasho sanadka 2016.

Waxaa uu si weyn ugu nuux nuuxsaday in aay tani tahay oo kaliya in QM aanay dan gaar ah ka laheyn is qabqabsiga, balse aay ka eegayaan dhanka aay u arkaan in aanay carqalad iyo hakin kaga imaan dhaqaalaha loogu talo galay qabsoomida doorashada 2016. Waxaa uu sheegay in waxa loo yaqaan  The Somali Compact Halkan Ka Akhri aay ku caddahay in dhaqaale dhan $80 Million oo doollar loo qoondeeyay in Soomaaliya loogu qabto doorasho qof iyo codkiisa ah. Maadaama aanay taa suurto galeyn ayaa wakiilka QM Nicholas Kay iyo Madaxweynaha aay u wakiisheen afar shaqsi oo ajnabi ah in aay soo dejiyaan qaabkii loo sameyn lahaa doorasho 2016. enhance_group(Matt Bryden & Tres Thomas Erica Marsh & Joakim Gundell) Waxaa aay soo saareen dokumenti aay ugu magac dareen (Enhance Legitimacy) Halkan Ka Akhri. Kaa soo gogol dhig u ah qorshaha Nicholas Kay iyo Xasan Sheekh oo ku aadan doorashada 2016. Waxaa ayaan darro ah buu yiri Dr. Abdirashid in ummad kor u dhaaftay 12 million masiirkooda iyo hannaanka dowladnimo ee Soomaaliya gacanta loo geliyo afar qof oo ajaaniib ah.

Nicholas ayaa aad uga cabsi qabo in aay helaan xildhibaanada Baarlabaanka muddo kordhin, taasoo sal u noqon karta in QM iyo Nicholas Kayba aaysan helin lacagaha loo qoondeeyay doorashada 2016. Dadka ka faallooda ayaana arrintan ku macneeyay in aay tahay waxa kaliya ee ka hadalsiinaayo Nicholas oo ku cel-celiyay in aanay dhici karin muddo kororsi. Dr. Abdirashiid ayaa ku tilmaamay arrintan in aay tahay meel ka dhac meel looga dhacayo xornimada Soomaaliya, waayo buu yiri Soomaaliya waa waddan madaxbannaan, una madaxbannaan aayo katashiga hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya, Baarlabaankana waa hay’adda ugu weyn ee dastuuriga ah. Baarlabaanka ayaa laga rabaa in aay iyago go’aan ka gaaraan in Doorasho dhacdo iyo in dib loo dhigo. QM meel uga bannaan malaha, waa haddii aan nahay waddan xor ah.kay

Waxaa iyana jirta in iska hor imaadka dhex maray Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland iyo Jubba uu asal u yahay heshiiska dhex maray Nicholas Kay & Xasan Sheekh, taas ayeyna ahayd sababtii aay u diideen in aay ka soo qeyb galaan shikii aayo ka talinta Soomaaliya ee ka dhacay Muqdisho Bishii July 29 & 30 ee sanadkan. Waayo Gaas iyo Madoobe waxaa aay ka dhex waayeen danahooda siyaasadeed iyo dhaqaale qorshaha loo dejiyay doorashada 2016.

Haddaba waa ummadda Soomaaliyeed la tuso hab lagu xakameeyo faragelinta ba’an ee shisheeyuhu ay ku hayaan go’aan ka gaarista arrimaha siyaasadda Soomaaliya loona daboolo baahida aqooneed ee hay’adaha dowladda, waa in aay dowladda ku dhiirataa oo ay raadiso khubaro Soomaaliyeed iyo xirfadyahanno leh aqoon hufan, karti iyo waddaninimo dhab ah oo gacan ka geysta diyaarinta hannaan lagu gaaro isbaddel siyaasadeed 2016ka.

Iyadoo la eegayo kalsooni la’aanta guud ee shacabka Soomaaliyeed ay u hayaan madaxda siyaasadda iyo hay’adaha dowladda,waa in la helaa qaabkii lagu gaari lahaa libin isbaddel siyaasadeed oo Soomaaliya ka dhaca 2016 taasoo aay ku xirantahay sida wax looga qabto caqabado badan oo dastuuri ah iyo kuwo sharci ah.

Waa in aanan marnabal laga dabaaq tamin oo mar walban la ilaaliyo gobannimada, madaxbannaanida iyo midnimada dalka iyo muqaddasnimada xudduudaha dhulka Soomaaliya.

Caasimadda Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com