Daawo Video: Danjire Maxamed Cali Americo oo maxkamad la fuulaya siyaasi kale oo caan ah…!!

 Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cali Nuur Americo, safiirkii hore ee dowlada Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya ayaa sheegay inuu dacwad ka gudbinayo gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee dowlada Soomaaliya.

Cali Americo, ayaa ka careysan falkii gudoonka maamulka Gobolka uu ugu diiday inuu tago magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, iyadoo la siyaasadeeyay safarkiisii magaalada Beledweyne.

Wuxuu sheegay inuu soo dhaweyn wanaagsan uu kala kulmay dhamaan deegaanadii uu tagay ee gobolada dalka Soomaaliya, laakiin wax laga xumaado ay aheyd talaabadii uu qaaday gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax.

Dhanka kale Cali Americo ayaa sheegay inuu raaligelin kala kulmay odayaasha, siyaasiyiinta iyo xildhibaanada baarlamaanka ee gobolka Hiiraan, laakiin wuxuu sheegay inuu dacwad ka gudbin dooni gudoomiye C/fataax.

Gudoomiyaha Hiiraan C/fataax Xasan Afrax ayaanan ka hadlin ilaa iyo sababta ka dambeysay in Americo loo diido magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.