Nabaddoon caan ah oo goordhow la dilay (Aqri)

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in magaaladaasi lagu dilay nabadoon caan ahaa oo ku sugnaa magaalada Beledweyne, kaasi oo rasaas ay la dhaceen kooxaha hubeysan.

Nabadoonka ayaa lagu dilay agagaarka  buunadada Liiliiqato ee gobolka Hiiraan, waxaana la ogeyn sababta ka dambeysay dilka nabadoonka ee ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Nabadoonka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Nabadoon Cumar Sheikh Cabdi Garweyne waxaana uu kamid ahaa nabadoonada ku sugnaa magaalada Beledweyne.

Dilalka Nabadoonada oo bilihaan ku yaraa magaalada ayaa u muuqanaya kuwo kusoo laabtay, waxaana socda baaritaano ku aadan dadka dilkaasi ka dambeeyay.

Maamulka gobolka ayaa sheegay iney ka xun yihiin dilka laakiin sameynayaan baaritaan lagu soo qabanayo dadka ka dambeeyay falka lagu dilay nabadoon Garweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com