Xildhibaan MAGAN oo soo bandhigay SIR badan oo ka qarsooneyd DF iyo shacabka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo ka mid ah xildhibaanada BF Somalia, ayaa si caro leh uga hadlay talaabooyin aan wanaagsaneyn oo ay kala kulmeen Ciidamada Ethiopia ee ka howlgala gobolk Gedo.

Waxa uu Xildhibaan Magan sheegay in Ciidamada Ethiopia aysan howl u joogin Gobolka Gedo balse ay faraha kula jiraan arrimo kale oo aysan la socon DF Somalia oo iyadu dalka ka mas’uul ah.

Waxa uu sheegay in isaga iyo Xildhibaano kale ay Ciidamada Ethiopia u diideen inay gudaha u galaan Magaalada Garbahaaray ee xarunta Gobolkaasi.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ay si cad u amreen inaanay xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta rabay inay tagaan inaanay diyaaradii qaadi laheed aanay ka dagi karin Magaalada Garbahaaray, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in talaabadaasi Ciidanka Ethiopia qadeen ay u muuqanayso mid si toos ah ay ugu faragaliyeen Maamulka dalka maadama Xildhibaana Qaran iyo Siyasiyiin ay u diideen Dhulkooda tasoo xad gudub weyn ah.

Waxa uu tilmaamay in Ethiopia ay iska dhaadhicisay in Somalia ay ka taliso waxa uuna taasi dhaliisheeda u jeediyay Xukuumada Somalia oo iyadu gabtay Howlihii laga filaayay.

Ujeedka ka danbeysay celintooda ayuu ku sheegay inay tahay in Ethiopia ay Gedo ka leedahay dano gaar ah oo aysan u joogin arrimo amni ama ka qeybqaadashada amaanka dalka, balse ay diideyso in wax laga ogaado arrimahooda.

Dhinaca kale, Ciidamada Ethiopia ayuu ku eedeeyay in dadka rayidka ah ay ku xukumayaan inay u hogaansamaan Maamulka Axmed Madoobe ee gacan ku rimiska ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com