Sawirro: DF oo shirkada Albayrak Group si rasmi ah ugu gacan galisay dekada Muqdisho (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online)-DF Somalia ayaa si rasmi ah maamulka Dekada weyn ee magaalada Muqdisho ugu wareejisay Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga ee lagu magacaabo Albayrak Group.

DF ayaa Albayrak Group todobaadkaani si rasmi ah ugu wareejisay Maamulka Dekada waxa ayna kala saxiixdeen qandaraas la sheegay inuu yahay muddo 20 sano ah in shirkadaasi ay maamusho dekada caasimada Somalia.

Heshiiska ayaa waxaa la sheegayaa inuu kamid yahay in DF Somalia qudheeda ay arrimaha Dekada uga danbeyn doonto Maamulka Shirkada Albayrak Group.

Shirkada Dekada lagu wareejiyay ayaan si weyn looga aqoon caalamka intiisa kale waxa ayna kasoo dhex baxday ilaa 3 Shirkadood oo ku shaqo leh dhismooyinka.

Waxaa horey u jiray shirkado kale oo iyaguna daneenayey dekada Muqdisho sida shirkada weyn ee maamusha Dekada Dubai ee DP.

DF Somalia ayaa inta badan mashaariicda dalka u gacan galisay Shirkado laga leeyahay Dalka Turkiga oo iyagu awood xiligaani ku leh Somalia.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA
a1

a2

a3

a4

a5

a6

a7

a8

a9