Shan amar oo adag oo lagu rogay shacabka Baydhaba

Baydhaba (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray awaamiir culus oo ku socota shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kuwaas oo loogu talagalay sugidda amniga magaaladaas oo xarun KMG u ah maamulka.

Wasaaradda amniga oo soo saartay awaamiirtan ayaa 5 qodob kusoo rogtay shacabka ku dhaqan magaaladaasi, sida uu sheegay afhayeen u hadlay maamulka oo u warramay VOA.

Sida uu sheegay afhayeenka oo lagu magacaabo Mustaf Macallin Isxaaq Garabey waxaa magaalada laga mamnuucay inay xilliyada habeenkii ah soo galaan gaadiidka, ama ay ka baxaan, sidoo kale waxaa habeenkii la mamnuucay Bajaajta, waxaa kale oo la joojiyay gebi ahaan isticmaalka  Face Mask, ayada oo mikilayaasha guryaha lagu maray inay bannaanka hore ku xiraan nalal, si loo iftiimiyo magaalada, loolana socda dhaq-dhaqaaqeeda guud.

“Laamaha amniga waxa ay soo saareen 5 qodob oo ah magaalada Baydhaba in habeenkii aan baabuur soo geli karin, sidoo kalena aanu ka bixi karin, saas oo kale waxay soo saareen in aan la xiran karin Face Mask waxa la yiraahdo ama weji xirka, waxaa kale oo gaadiidka Bajaajta la mamnuucay inay soo socdaan wixii ka dambeeya 7:00 habeenimo, saas oo kale guri walba oo ku yaalla magaalada in nal lagu xiro” ayuu yiri afhayeenku.

Sidoo kale wasiirka amniga iyo saraakiisha qaabilsan nabad-gelyada ayaa kormeer ku tegay waddooyinka laga soo galo Baydhaba iyo xarumaha ay ku sugan yihiin ciidamada,

“Waxaan kormeer loogu kuurgalaayo amniga magaalada oo uu hoggaaminayo wasiirka amniga oo ay ku jiraan wasiirka warfaafinta iyo taliyaha booliska ee qaybta gobolka Baay ay xalay ku mareen waddooyinka soo gala magaalad iyo rogaha ciidanka” ayuu yiri.

Mas’uuliyiinta ayaa inta ay ku jireen booqashadooda boggaadiyay ciidanka amniga, sidoo kale waxa ay kula dardaarmeen inay ka hortegaan weerarada kooxda Al-Shabaab.

“Wasiirka aad iyo aad ayuu u boggaadiyay dadaalka ay ciidanka wadaan, waxaana lagu dhiirageliyay inay sii feejignaadaan oo ay kordhiyaan dadaalkooda” ayuu kusii daray.

Waxaa kale oo uu yiri “Khawaarijta ayaa laga yaabaa inay soo dhuumaaleystaan oo waddooyinka ay soo maraan, marka in laga hortego ayaa lagula dardaarmay ciidamada”.

Baydhaba ayaa waxaa inta badan weeraro kusoo qaada xubnaha kooxda Al-Shabaab oo go’doomiyay magaaladaasi, maadaama ay ku sugan yihiin koonaheeda kala duwan.