Gaari ay la socdeen xubno Al-Shabaab ah oo la duqeeyay

Xarardheere (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymo culus oo xalay ka dhacay deegaano dhaca koonfurta gobolka Muudg, kuwaas oo lala eegtay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi.

Duqeynta koowaad ayaa lala beegsaday gaari ay la socdeen xubno ka tirsan kooxda oo marayay deegaanka Baraag Cali Gaduud oo u dhow Xarardheere, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale diyaaradaha duqeymaha fuliyay ayaa beegsaday goob kale oo ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo iyana ku taalla koonfurta Mudug.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in la burburiyay gaariga lala beegsaday duqeynta, sidoo kalena khasaare culus la gaarsiiyay xubnaha Al-Shabaab.

Waxay sidoo kale saraakiisha intaasi ku dareen in ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo ka baxay dhanka degmada Xarardheere ay hadda kusii siqayaan deegaanada la duqeeyay, si ay Al-Shabaab uga saaraan halkaasi.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaiya.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo dhul ballaaran lagu xoreeyqya, kadib markii ay gaareen ciidamada huwanta.