Awdal oo looga dhowaaqay banaanbax la xiriira xasuuq ay geysteen ciidamadii SNM

Boorama (Caasimada Online) – Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa waxaa lagaga dhawaaqay banaanbax looga soo horjeedo xasuuq ay ciidamadii jabhada SNM ee Korneyl Muuse Biixi, oo hadda ah madaxweynaha Somaliland ay ka geysteen gobolkaasi 1991-kii.

Guddiga qaban-qaabada banaanbaxan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in isku soo baxan ay iclaamiyeen loogu ducaynayo dadkii ay laayeen ciidamadii SNM, kuwaasi oo ay ku tilmaameen “shuhado”.

Banaanbaxan ayaa waxa uu ka qabsoomi doona magaalada Boorama 4-ta bisha Febraayo, sida ay sheegeen guddiga qaban-qaabineysa isku soo baxan.

“Dhamaan waxaa ugu baaqeyna bulshada gobolka Awdal meel kasta oo ay joogaan inay ka qeyb qaataan oo ay xusaan maalinta shuhadada oo ku beegan 4-ta February, sidoo kale waxa aan aad ugu baaqeyna aqoonyahanka, macalimiinta, ardayda, hooyoyinka iyo dhamaan dhalinyarto inay iskugu yimaadan dhigtii Boorama halka ay ka dhacday oo halkaas ugu duceyno shuhadadeena.”

“Bulshada waa in ay iskugu yimaadan 9-ka subaxnimo goobta loo asteeyay. Qofkasta oo reer Awdal ah waa in uu kasoo qeyb-gala banaanbaxan, ayna ka qeyb qaatan baaqan.”

Banaanbaxan looga soo horjeedo xasuuqii ay geysteen SNM ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ah masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo uu kamid yahay xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf, oo ka soo jeeda gobolka Awdal.

“4 Feberuary, waa maalintii SNM oo wadata ciidamadii dhergi-ga ay xasuuq ba’an ka gaysatay dhamaan gobolada galbeedka, waxan dadkaasi Ilaahay uga baryayaa ku baxay gacanta ka xaqa daran inuu janooyinkiisa ku casuumo. Aamin, Aamin,” ayuu xildhibaan Ayuub ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay xukuumadda Somaliland iyo maamulka gobolka oo la xiriira banaanbaxan la iclaamiyay, ayada oo dadka qaarkood ay walaac ka muujiyeen in isku soo baxan uu isku badalo rabshado horleh.

Ma aha markii u horeysay ee banaanbax noocan ah looga dhawaaqo magaalada Boorama iyo guud ahaan gobolka Awdal, hase yeeshe waxa ay xiligaan kusoo aadaysa ayada oo kacdoon looga soo jeedo Somaliland iyo hogaankeeda uu ka taagan yahay magaalada Laascaanood, taasi oo ay u maara-weyday xukuumadda.