Ilhaan Cumar oo shaacisay inuu Congress-ka ka socdo isku day looga saarayo…

Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa markii u horeysay sheegtay in qaar ka mid ah dadka dhaliila ee ugu horreeyo afhayeenka aqalka Congress-ka Mareykanka Kevin McCarthy uu isku dayayo in ay ka saaraan guddiga arrimaha dibadda ee Aqalka Congress-ka Mareykanka.

Waxay sheegtay in sababta u weyn ee Kevin iyo qaar kamid ah dadka dhaliila u beegsanayaan ay tahay “waa Muslimad qaxooti ah kana soo jeeda Soomaaliya.”

Ilhaan ayaa sidoo kale waxay sheegtay in lagu eedeynayo inay neceb tahay Yuhuudda, iyadoo tilmaamtay in ay kala shaqeyso asxaabtayda iyo bulshadeeda si ay ula dagaallamto nacaybka Yahuudda.

“Ololaha la rabo in la igaga saaro guddiga arrimaha dibadda ee Aqalka Congress-ka Mareykanka waa mid siyaasadeysan,” ayey doodeeda sii raacisay Ilhaan Cumar.

Waxay sheegtay in qaar badan oo kamid ah xubnahan aysan rumaysnayn “in qof Muslim ah, qaxooti ah, Afrikaan ah, uusan xitaa joogin Congress-ka, iska daa inuu fursad u helo inuu ka mid noqdo guddiga arrimaha dibadda.”

Ilhaan ayaa sidoo kale waxay iftiimisay odhaah “Islaam nacayb ah” oo kasoo yeedhay wakiilka Georgia Marjorie Taylor Greene iyo wakiilka Colorado Lauren Boebert, iyada oo kusoo oogtay dacwad Islaam nacayb.

Si kastaba, In xiligaan Ilhaan Cumar laga saaro guddiga arrimaha dibadda ee Aqalka waxay u baahan tahay in ay u codeeyaan Aqalka Congress-ka Mareykanka, waxaana soo baxeysa in tiro yar oo kamid ah wakiilada Jamhuuriga ay ka soo horjeedaan isku dayga lagu doonayo in Ilhaan looga saaro guddigan.