DF oo kumanaan askari si qarsoodi ah tababar ugu dirtay Eritrea iyo dalal kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa kumanaan askari u dirtay dalal dibadda ah, si ay u xoojiso ciidamada xoogga dalka oo dhisme uu ku socdo, dagaalna kula jira Al-Shabaab, sida uu sheegay la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya.

Xuseen Sheekh Cali oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in Soomaaliya ay dhowrkii toddobaad ee lasoo dhaafay 3,000 oo askari midkiiba u dirtay dalalka Eritrea iyo Uganda.

La-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya wuxuu sheegay in 6,000 oo askari oo dheeraad ah loo diri doono dalalka Itoobiya iyo Masar, tiradaan ayaa ciidanka loo diray Eritrea iyo Uganda iyo kuwa la qorsheeyey in tababarka loogu qaado Masar iyo Itoobiya ay gaarayaan 1,200 oo askari.

“Waxaan rabnaa inaan dhameystirno diyaarinta 15,000 oo askari sanadka 2023-ka,” ayuu yiri la-taliyaha dhinaca amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, intii ay socotay soo daabulaada ciidanka laga keenay dalka Eritrea ee tababarka soo dhameystay, diyaaradda keenta Muqdisho waxay Eritrea ku celineysay ciidan kale oo cusub oo tababar loo diray, kuwaas oo laga qoray Muqdisho.

Warkaan ayaa imaanaya iyadoo warbixin uu soo saaray machadka Heritage ee daraasaadka siyaasadda uu shaki geliyey in dowladdu ay buuxin doonto bisha December 2024-ka qorshaha la doonayo inay ku hesho 24,000 oo askari oo diyaar u ah inay la wareegaan mas’uuliyadda amniga guud ee qaranka.

Xiligaas waxaa qorsheysan inay dalka isaga baxaan ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya jooga, waa ATMIS.

“Jadwalkan waa mid hami weyn leh, sababtoo ah laamaha amniga Soomaaliya uma badna in ay si buuxda u madax bannaanaadaan waqtigaas, sidoo kale uma badna in Al-shabaab laga adkaaday ciidan ahaan,” ayaa lagu yiri warbixinta Heritage.

Afyare Cilmi oo ah Agaasimaha fulinta ee Machadka Heritage ayaa yiri, “Waqtiga kama dambaysta ah iyo xaqiiqda ah in ciidanku ku jiro dagaal, isla markaana dib loo dhisayo, waxaan ku doodaynaa inay tahay waqti aad u kooban, way adkaan doontaa in la kulmo.”

Warbixintu waxay xustay in bishii November, ay dawladda Soomaaliya ka codsatay ATMIS in dib loo dhigo dhimista ugu horreysa ee 2,000 oo askari oo lix bilood ah, laga bilaabo December 2022 ilaa 30 June, 2023.

Cali waxa uu sheegay in dib u dhacan loo codsaday in ciidamada Soomaaliya ee howlgalka ATMIS kala wareegi lahaa goobaha ay joogaan ay ku maqan yihiin tababarro dibadda ah.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladdu aysan doonayn inay carqaladeyso howlgallada milateri ee ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobollada dhexe ee Soomaaliya, maadaama goobaha ay ka baxayaan ciidamada ATMIS ay tahay inay la wareegaan ciidamada Soomaaliya.

Ciidanka ATMIS ayaa intiisa badan ka howlgala koonfurta Soomaaliya, halka ciidanka qaranka oo u muuqda mid aan qeybsamin uu xoogiisu ka dagaalamayo gobollada dhexe ee dalka, halkaas oo ay ku wiiqeen awooda Al-Shabaab.

Hadii ciidamada xoogga dalka ay ku guuleystaan inay Al-Shabaab ka wada xoreeyaan HirShabeelle iyo Galmudug, howlgalka lagu baacsanayo kooxda Al-Shabaab wuxuu ku fidi doonaa koonfurta dalka oo ATMIS ay ka howlgasho, taas oo ka dhigan in ciidanka qaranku ay tartiib-tartiib u hana doonaan amniga dalka.

Balse dhinaca kale waxaa is guraya waqtiga oo dowladda Soomaaliya waxaa laga doonayaa inay diyaariso ciidan qaran oo ATMIS kala wareega amniga dalka, inta aan la gaarin waqtiga lagu balamay oo ah dhamaadka sanadka 2024-ka, si dalku uga gudbo qiimeynta lagu sameyn doono.