Axmed Daaci “isbaarooyinka waxay yaalaan xafiisyada DF”

Axmed Xasan Daaci ,gudoomiyaha degmada Wadajir oo bilooyin ka dib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in magaalada Muqdisho walli ay yaalaan isbaarooyinkii lagu guuleystay in laga qaaday degmooyinka gobolka Banaadir.

Axmed Daaci ,ayaa sheegay in dowlada aysan waxba ka qaban 80% isbaarooyin oo uu sheegay in wali ay yaalaan degmooyinka gobolka Banaadir ,laguna dhibaateeyo dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Isaga oo ka hadlayay nooca isbaaradaasi  ay tahaya ayuu sheegay inay yaalaan goobaha waxbarashada iyo xafiisyada dowlada Soomaaliya,isagoo sheegay in ilaa iyo iminka aan waxba laga qaban.

Wuxuu sidoo kale kahadlay Axmed Daaci,xafiiska maamulka Banaadir ee dowlada Soomaaliya,wuxuuna ka dhawaajiyay in xafiiskaasi maamulka uu ku shaqeeyo laakiin shacabka Muqdisho aan waxba loogu qaban,sida uu hadalka u dhigay.

Axmed Daaci ayaa ugu baaqay masuuliyiinta dowlada inay ka faa’ideystaan waqtigooda islamarkaana wax laga qabto dhibaatada shacabka heysato.