Maamulada Galmudug iyo Puntland ee Mudug oo arin ku hishiiyay

Waxii ka dambeeyay kulamo maalmahaan ka dhacayay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa maamulka Gobolka Mudug ee Puntland wuxuu ku dhawaaqay qodobo dhowr ah oo ay ku jireen hishiis ay kala saxiixdeen labada Maamulka ee Galmudug iyo Puntland.

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee dhanka Puntland Maxamed Yuusuf Jaamac “Tigey”,oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ku hishiiyeen ladagaalanka dadka amni darada ka geysanaya deegaanada gobolka Mudug.

Maxamed Tigeey, ayaa sheegay in dhanka amaanka uu yahay mid wanaagsan loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo,sida uu sheegayna dhankooda wuxuu xusay inay diyaar u yihiin.

Dhanka maamulka Galmudug ayuu ugu baaqay inay adkeeyaan amaanka ayna kasoo baxaan balanta la wada gaaray sida uu sheegay oo ahaa ka wada shaqeynta amaanka deegaanada maamulka iyo ka hortagida wax walbaa oo qilaaf ka dhex abuurayo labada maamulka.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in la furi doono waddooyin labada dhinac isku xera loona bixin doono wadooyinka nabada,isagoo xusay ganacsatada gobolka ay wada shaqeyn wanaagsan dhex mari doonto.

Galmudug iyo Puntland ,gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, marar badan waxaa ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay beelaha kasoo kala jeeda labada dhinac.