Maraakiib ay lee dahay Somalia oo ku xiran Yemen ayaa qarka u saaran in ay quusaan haddii aan la badbaadin.

Sana’a (Caasimada Online) Maraakiibtan oo tiradooda ay tahay afar ayaa wax isbadal ah ku soo biirin tan iyo markii dib loogu wareejiyay gacanta dowladda Soomaaliya sannadkii 2010-kii.

Waxaanta tan iyo xilligaas ay ku jireen gacanta nin Soomaali ah, oo markii hore ku magacownaa maamulaha maraakiibtaasi.

Waxa ka shaqeenaayay oo haddana dul jooga ku dhawaad 10-shaqaale oo isugu jira Badmaax, Kabtano,Injineero iyo Shabaak tolayaal, kuwaasoo iyana xaaladooda sida maraakiibta ay u liidato.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Yemen Genaral Ismaaciil Qaasim Maajid oo isaga iyo shaqaalaha markabka shir jaraa’id ku qabtay magaalada Sana’a ee xarunta dalka Yemen ayaa sheegay in uu soo arkay maraakiibta iyo shaqaalaha.

Wuxuu sheegay in xaallada shaqaalaha iyo maraakiibta ay u liidato sida uu sheegay.

“ Maraakiibta inta ay joogsatay illaa hadda waxaa laga joogaa 7-sano, tayadooda iyo shaqadooda waxa uu joogsaday 2006-dii wixii ka dambeeyay maraakiibta si tartartiib ayey shaqada ku gabeen illaa 20010-kii, shaqaalaha la socday kuwii Soomaalida ahaa wali waa ay dul joogaan, wixii kale ee ajaaniib ahaa iyana waa la dhoofiyay”

Wuxu intaas ku daray in shaqaalaha iyo maraakiibta ay ku socotay tan iyo xilligaas dacwado, taasoo uu ku heestay nin u dhashay dalka Yemen, waxaana ay la xiriirtaa lacago ka badan hal milyan oo dollarka Maraykanka, taasoo uu sheegay ninka reer Yemen in uu ku siiyay shidaal iyo agabkale intii ay maraakiibta ka howgalayeen badda.

Laakin arrintaas shaki badan ayey galiyeen shaqaalaha iyo dadkii kale ee arrinta xog ogaalka u ahaa.

Shaqaalaha maraakiibta waxa ay walaac xooggan ka muujiyeen sii -jiritaanka hantidaas qaran haddii aan la soo gaarin iyagona tilmaamay in afarta markab ay haatan qarka u saaran yihiin in ay daggaan.

Waxa kaloo ay xaqiijiyeen in qarashka lagu soo saari doono maraakiibta uu in badan ka badnaan yahay midka hadda lagu dayactiro karo.

Ugu dambeyn waxa ay ku taliyeen in dowladda Soomaaliya dabaqato hantidaas ay Soomaaliya lee dahay.

“ Annaga dhibaato xooggan ayaa halkan nagu heesato, 10-wasiir ayaa halkan yimid illaa haddana wax ma heyno xoolahan dowladda Soomaaliya waxa looga baahan yahay in ay badbaadiso.” Ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha maraakiibta, intaas sano ayaan badbaadineynay, dowladda meesha ay rabto hala aado.

Maraakiibtan oo magacyadooda ay kala yihiin Cusmaan Geedi Raage, Faarax Oomaar, 21- Okotobar kow iyo laba. ayaa waxa ay ka mid ahaayeen ilihii dhaqaale ee dowladdii Millatariga la hayd.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Sana’a