Axmed Karaash oo jawaab ka bixiyey hadalki Xamza ee DAGAALKA Laascaanood

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka jawaabay hadalkii ku saabsanaa xaalka Laascaanood ee habeen kahor uu yiri Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa hadalkaas ku sheegay in arrimaha ka taagan Laascaanood iyo Boorama aysan u baahnayn colaad iyo dhibaato hor leh ee loo baahan yahay in wixii jira lagu xaliyo wada-hadal iyo wadajir bulsho, islamarkaana ay Somaliland ka saaran tahay masuuliyad gaar ah xal u helidda dhibaatada taagan.

Madaxweyne Karaash ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Xamza aysan marnaba ka fileyn inuu garab istaag u muujiyo shacabka gobollada SSC.

“Xamza awalba garab istaag kama aysan filayn shacabka reer SSC ee loo xasuuqayo midnimada ummada Soomaaliyeed, inuu hadalo noocaas ah oo ka fiirsasho la’aan ah warbaahinta usoo mariyo waxba ka ma bedeli doonto mawqifkooda iyo halganka ay ku jiraan toona,” ayuu yiri Axmed Karaash.

Sidoo kale waxa uu intaas sii raaciyey “Isagana waxay dani ugu jirtaa inuu iskaga aamusnaado sidii looga bartay”.

Hadalka Xamza iyo mid maalmo kahor uu jeediyey madaxweyne Xasan Sheekh oo ku saabsanaa doorasooyinka Puntland ayaa sare usii qaaday xiisadda ka dhaxeysa dowladda federaalka iyo Puntland, ayada oo madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu aflagaado ugu jawaabay Xamza.  

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr toddobaad kahor u magacaabay Cabdikariim Xuseen Guuleed ergeyga gaarka ah ee arrimaha Somaliland, taasi oo Puntland ay kasoo horjeesatay kuna tilmaamtay mid lagula saftay Somaliland.