Axmed Madobe: Dowlada waxay noo aragtaa xisbi siyaasadeed la tartamaya

Baydhabo (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta shir uga qayb galay magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed.

Shirkaani oo ka duwanaa kuwii hore ayaa waxaa looga hadlaayay arrimaha Amniga, Khayraadka Badda, Caddaalada iyo doorashada 2020.

Axmed Madoobe,ayaa khudbadiisa shirka diirada ku saaray  Amniga iyo Khilaafka Dowlada Somalia kala dhexeeya maamul Goboleedyada ka jira dalka.

Axmed Madoobe, waxa uu sheegay inay muhiim tahay in Dowlada Somalia ay culeyska saarto sida dalka looga dhaqan galin lahaa amni iyo xasilooni gaarta dhammaan dalka.

Amniga ayuu sheegey inay tahay waajib na wada saaran sidii looga xoreyn lahaa nabadiidka gobolada iyo deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Waxa uu sheegay in amniga dalka uu yahay mid xiligaan hordhac u ah rajooyinka laga qabo inuu soo hagaago dalka, waxa uuna meesha ka saaray inuu jiro wada shaqeyn ka dhexeysa Dowlada iyo maamulada dalka.

Mar uu Axmed Madoobe, ka hadlaayay xiriirka ka dhexeeya Dowlada Somalia iyo Maamul Goboleedyada ayaa waxa uu sheegay in Dowladu ay qabto degdeg, isla markaana aysan maamul jira u aqoonsaneen maamul Goboleedyada.

‘’Dowladu waxa ay maamulada u aragtaa xisbi siyaasadeed la tartamaaya, waxaa marka adkaaneysa in xal laga gaaro Khilaafyada ka dhexeeya labada dhinac’’

Wax uu sheegay in Khilaafyada ay yihiin kuwo soo laalaabta sidaa aawgeed la doonaayo in laga gaaro Heshiis aan ka weecasho laheyn.

Maamul Goboleedyada ayuu sheegay inay xaq u leeyihiin inay is difaacan, hase ahaatee is difaacidooda ay mushkilad u aragto Dowlada.

Sidoo kale, waxa uu ku baaqay in Dowlada Somalia laga doonaayo inay tixgalin siiso maamul Goboleedyada, si iyana loo siiyo tixgalin, ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee, Madoobe ayaa sheegey inay muhiim tahay in lagu dadaalo in meesha laga saaro kala aragti duwanaanta siyasadeed ee ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyad taas oo dhabaha u xaari karta in horay loo socdo.

Caasimada Online

Xafiiska Baydhabo

Caasimada@live.com